Goorma ayaa la furi doonaa waddooyinka weli xiran ee magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waddooyin badan ayaa u xiran dad madax ah, kuwana si guud ayay dowladda u xirtay si aanay uga soo gudbin baabuurta qaraxyada sida.

Laakiin hadda madaxda laamaha amniga maadaama ay ku faanayaan inay farsamo ku xaliyeen qaraxyadii, waxay dadka magaalada isweydiinayaan oo baahina u qabaan furitaanka waddooyinka xiran, kuwaas oo xal u noqon kara saxmadda ka jirta magaalada, sahlina doona isku socodka, dhinaca kalena abuuri doona fursaddo dhaqaale.

Boqolkii cisho ee lasoo dhaafay dalka waxa uu yeeshay wasiir amni oo cusub iyo taliye nabad-sugid oo cusub waa Sanbaloolshe iyo Fartaag. Waxaa la xasuusta in horey wasaaradda amniga gudaha, hoggaanka ciidamada iyo xitaa ra’iisul wasaaraha sheegeen in deg-deg loo furi doono waddooyinka xiran ee caasimada, si loo sahlo nolosha iyo isku socodka bulshada caasimadda. Laakiin weli waxba kama dhaqan-gelin ballankaasi.

Hoggaanka cusub ee wasaaradda amniga iyo taliska NISA ayaa la eegaya sida ay xaaladdan u wajahaan. Sidoo kale dowladda hoose ee Xamar oo la filaayo inay yeelan doonto hoggaan cusub ayaa iyadana maamulkeeda looga baahan yahay inay xal u raadiyaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku doodaysaa inay ku filnaan karto amnigeeda, haddii ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalka daba-yaaqadda sanadkaan.

Waxyaabaha la rabo in taas laga dareemo waxaa kamid ah magaalada Muqdisho. Inta ay waddooyinkii caasimadda sidan u xiran yihiin, sheegashada dowladda ee ah inay ka maarmi karaan ciidanka Midowga Afrika waxaa la gelin karaa su’aal.

Sidoo kale waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho waxay si weyn u dileen bilicdii caasimadda, dowlad walba oo timaadana waxay ballanteeda koowaad ku darsataa inay keeni doonto xal amni oo looga maarmo dhagxaantan.

Weli reer Muqdisho waxay isweyiinayaan goorma ayaa la furi doona waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.