Xog: Maxay kala ahaayeen labada arrin ee ay codsadeen raggii lagu toogtay Dh/mareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Fagaaraha magaalada Dhuusamareeb waxaa shalay lahu toogtay saddex nin oo lagu helay inay dileen Macallin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr Axmed Xasan Cismaan oo walaalo ahaa, ragga la toogtay waxay dilkaas ka geysteen deegaan dhanka bari ka xiga Guriceel, balse iyagoo baxsad ah ayaa lagu qabtay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Labo arrin ayey dalbadeen ragaasi, waana loo fuliyey intii aan la toogan, taasi oo inta badan aan fursad loo siin maxaabiista la tooganayo, markii ay maxkamaduhu xukumaan.

Ugu horeyn dhalinyarada markii fagaaraha toogashada la keenay intii aan lagu xirin tiirka waxay dalbadeen in la siiyo weyso iyo sali ay ku tukadaan salaad sunno ah, kadibna waala siiyey.

Markii ay tukadeen tiirka ayaa lagu xiray, kadibna mar kale waxay codsadeen in fursad loo siiyo inay la hadlaan Aabaha iyo Hooyada dhalay wiilashii walaalaha ahaa ee horay ay u dileen oo goobta ku sugnaa.

Waa loo ogolaaday, waxayna ka codsadeen inay cafiyaan si ilaahey raali uga noqdo markii la qisaaso kadib, labadii waalid ayaa wiilasha  u cadeeyey inay cafiyeen xaqana ay ka oofsanayaan, sidaas ayaa lagu toogtay 3-dii wiil iyagoo aan qabin wax codsi ah oo u haray.

Arrinta la yaabka leh waxay aheyd in dhalinyaradaasi ay toogashada ay u diyaarsanaayeen oo waalidiinta wiilashii ay horay u dileen aysan ka codsan in laga baajiyo, balse markii tiirka lagu xiray kaliya waxay ka codsadeen inay u cafiyaan dembigii ay ka galeen, xaqana ka oofsadaan.

Qisada wiilashaan ayaa si weyn uga yaabisay bulshada, waxaana aad loogu falanqeeyey baraha bulshada, dad badan waxay qabeen in la cafiyo, maadaama ay kuwii horay loo dilay iyo kuwa loo tuuganayo ay ka dhasheen jufooyin walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Cayr ee Habargidir.

3-da dhalinyarada ah ee shalay Dhuusamareeb lagu toogtay waxaa lagu kala magacaabo jiray Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan, kuwaas oo 27-kii Febraayo ee sannadkan ay dil toogasho ah lagu xukumay maxkamadda gobolka Galgaduud.