Goorma ayaa Meydka Cali Mahdi dalka la keenaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed ayaa waxa maalinta berri ah la keeni doona magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasi doono, sida ay sheegen Guddiga xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay aaskiisa.

Guddiga ayaa maanta shir deg-deg ah iskugu yimid, kaasi oo uu shir guddoominayey Wasiirka amniga Soomaaliya oo ah guddoomiyaha guddigan oo uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay aaska madaxweyne Cali Mahdi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo kamid ah guddigaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada guddiga uu qeybta ka yahay ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee aaska qaran ee loo sameynayo madaxweynihii hore ee dalka, islamarkaana ay u diyaar-garooween

“Waxaa isku yimid guddiga aaska qaran ee uu magacaabay ra’iisal wasaraha, guddigaas oo loo magacaabay sidii hab-maamuuskii iyo aaska qaran loogu sameyn lahaa madaxweynihii hore ee geeriyooday Mudane Cali Mahdi AUN, Samir iyo iimana allaha ka siiyo bulshada Soomaaliyeed iyo Qoyskaba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa lagu wadaa meydka madaxweynaha in berrito la keeno dalka Soomaaliya oo laga soo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa in janaasada marka hore madaxda ay ku tukan doonto, kadibna bulsho weynta Soomaaliyeed ay janaasada kula tukan doonaan goobta uu ka dhacayo aaska”.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, oo ka kooban 11-xubnood waxaana guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxay iskugu jiraana Wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa xalay maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana geeridiisa kadib uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday amray in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuumka.