Goorta uu furmayo shirka maamul u sammeynta gobollada Sh/Dhexe iyo HIIRAAN oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo inuu furmo shirka Maamul u sameynta Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa arrintaasi si faah-faahsan uga hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo Federaalka BF Somalia Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Xildhibaan Jeesow oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay in howlaha shirkaasi uu maraayo meel wanaagsan, islamarkaana ay iminka ku howlan yihiin kaliya sidii loo furi lahaa Shirka.

Waxa uu sheegay in shirka Maamul u Sameynta Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu si rasmi ah u furmi doono Bisha soo socota.

Jeesow waxa uu tilmaamay in arrinta Maamulka ay kala hadleen Wasiirka wasaarada arimaha gudaha DF Somalia Odawaa, waxa uuna Xildhibaanku sheegay inuusan jiri is afgarad rasmi ah oo ay kawada gaaren meesha shirka uu ka furmaayo.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in furiinka shirkaasi uu noqon doono mid ay isku wada raacan Beelaha halkaasi kasoo jeedo, isagoona carabka ku dhuftay in dhamaan howlaha shirkaasi ay yihiin kuwo heer gabogabo ah.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hada ka socda shir u dhaxeeya Beelaha Gobolkaasi dega, kaasi oo ah dib u heshiisiin, waxaana la filayaa in Bishan gudaheeda lasoo gaba-gabeeyo shirkaasi.

Gobolada dalka waxaa ka socda dhismaha Hirgelinta Hanaanka Federaalka oo Dowladda dhexe ay qaadatay, xili ay jiraan caqabado kala duwan oo ka imaanaya Barnaamijka Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com