Xog: Xasan Sheekh oo guryo ka iibsaday Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu guryo dhowr ah ka iibsaday magaalada Muqdisho, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Guryahaani oo gaarayo ilaa Seddex, balse aad u waa weyn ayaa waxaa laga iibiyay Magaalada kuwaasi oo labo kamid ah ay leeyihiin labadiisa afo, halka guriga Seddexaadna uu isaga si gaar ah u leeyahay.

Guryaha ayaa lagu soo waramayaa in mid kamid ah uu ku yaallo Aargada Isgooyska lamber afar kaasi oo u dhigma laba boos islamarkaana dhawaan laga iibiyay Hantiile magaciisa lagu sheegay Cusmaan reer ahaana kasoo jeeda Beesha Sacad Habar Gidir.

Labada boos ee kale ayaa waxaa laga kala iibiyay Xaafadaha Buula-xubey iyo Madiino kuwaasi oo iyaguna u dhigma mid Seddex boos islamarkaana saaran wadada, waxa uuna beeca lagu kala iibsaday dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2014-ka, sida aan xogta ku helnay.

Dadaalada Madaxweyne Xassan iyo qoyskiisu ay ku iibsadeen boosaska, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo inta badan Ciidamada DF Somalia aysan qaadan wax xuquuq ah, halka Dowladuna ay mareyso xili kala guur ah oo ay u diyaar garooweyso doorasho xalaal ah inay ka hirgaliso dalka oo idil.

Madaxweyne Xassan ayaa noqonaayo madaxweynii labaad oo dalka Somalia ka iibsada boosas markii lagu xisaabiyo C/qaasim Salaad Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com