Xuska maalmaha xorriyada caada-dhaqameed miyaa! mise astaan dawladnimo?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kasta xiliyadaan oo kale meel kasta oo Somaali dunida ka joogto waxaa laga Xusaa maalmaha Xorriyada ee 26 ka Juun iyo 1 da Luulyo. Lkn macnaha ay xanbaarsantahay xorriyadu iyo fahamka laga haysto ayaa kala fog sida;

Caada-dhaqameed Somaaliyeed oo sanad kasta la xuso, lana xasuusto, meeshana looga haro miyaa? Mise waa Astaan dawlad-nimo oo la rabo sanad kasta in la qiimeeyo waxa ka maqan iyo wixii laga hayo dawladdii la dhisay 1960 kii halgan dheer kadib???.

Gumaystuhu markii uu qabsaday Dhulka Somaaliya waxa ay haysatay 4 Astaamood oo kala ah:

1-Hal Qawmiyad oo ah Somaali.

2-Hal Diin oo ah Diinta Islaamka.

3-Hal Deegaan oo aan lahayn xuduud kala xira.

4-Hal Dhaqan iyo hal Luqad.

Alle ayaa ku manadaystay 4 taan Astaan Somaaliya Gumaysiga ka hor welina waa haysataa ee maxaa laga xuroobay 1960 kii? Oo mudan in la xuso sanad kasta?

WAXAAN FILAA IN AY JAWAABTU TAHAY:

1-Hal Dawlo oo madax banaan.

2-Hal Hogaamiye oo Somaali ah.

3-Hal Calan oo na mideeya.

4-Hal Awood oo na matasha.

Afartaan ayaa ah kuwa loo soo halgamay, lana soo dhiciyey 1960 kii halgan dheer kadib ee 58 sano kadib maxaa laga hayaa?

Imisa dawlo, hogaamiye, Calan iyo Gobal ayaan leenahay maanta? Dadka Somaaliyeed haddii ay Gumaysigii ka saareen dalkooda 1960 kii, ma ka xuroobeen Maskaxda? Mise weli Gumaysigii ayey ku tiirsanyihiin oo dhulkiisii uga daba tageen?.

Dadkii dhaliyey Xorriyada 1960 kii kuma fikirin mana samayn laba dawlo, laba calan, laba dastuur, laba hogaamiye, laba Astaan iwm, mana jirin koofur iyo waqooyi ee waxaa jiray laba Gumaysi kaliya oo kala haystay Koofur iyo Waqooyi, lamana midoobin 1 dii Luulyo ee waxaa la midoobay 26 kii Juun markii Calankaan Buluuga ah ee laga haystay Koofurta ilaa 1954 tii laga taagay Hargeysa 26 kii, lana qaatay Astaanta Jamhuuriyadda ee hadda la xuso, kaliya waxa ay reer Waqooyigu sugayeen reer Koofurta 4 maalmood inta uu Talyaani ka baxayo, 1 dii Luulyo kaliya waxaa lagu wada dhawaaqay lana wada dhistay Dawladii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.

Waxaa nasiib daro ah in Rag Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahan sheeganaya ay lasoo taagan yihiin maalin kasta ama ay qorayaan in Jamhuuriyadu aheed laba dawladood oo isku darmay 1960 kii, hadana kala go’ay 1991 taas oo ah marin habaabin taariikheed???.

Haddii uu weli jiro qof Somaali ah oo ka baqaya Somaali kale! Ama Somaali ka cararaya Somali kale una cararaya Gumaystihii laga xuroobay! Haddii uu jiro Somaali raba in beel beel iyo gobal gobal loo kala jaro dalka? Haddii Gumaystihii shalay u kala qeybiyey dalka beel beel, gobal gobal, kuna soo galay dalka heshiisyo Oday dhaqameed welina uu beel kasta iyo Odayaasheeda uu awood u leeyahay in uu heshiis gaar ah la galo!

Arrinta Xorriyada iyo Madaxbanaanidu waxa ay u baahantahay in dib loo eego dibna loo fasiro macnaha Xorriyad?

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com