Guddiga dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo saddex qodob soo jeediyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socdo wada-hadallo xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wada-hadallada ayaan weli laga gaarin natiijo rasmi ah, balse waxaa haatan socda kulamo iyo dadaallo ay wadaan guddiga ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga uu kalan gaar ah la yeeshay Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Qodobada laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah:-

  • In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga ah ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo.
  • NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda.
  • Wasiirka Amniga: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale qodobadaan iyo waxyaabaha kale oo uu guddiga dhex-dhexaadinta kala soo kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa loo gudbin doonaan dhanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan cadeyn waxa ka imaan doono dhinaca Rooble.

Si kastaba, arrintan ayaa muujineyso in weli labada dhinac ay kala joogaan meelo aad u kala fog, iyada oo xiisadooda ay saameysay geeddii socodkii doorashooyinka 2021-ka.