Sawirro: Xarunta labaad ee suuqa HAYAT MALL oo lagu furay magaalada Muqdisho

Xaflad lagu furayey Suuqa Hayat Mall oo ah Suuqa labaad ee Hayat market ayaa lagu qabtey Xarunta Suuqaas oo ku taal isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.waxaana ka qayb galey Xildhibaano iyo Wasiiro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada

Ugu horeyn waxaa Warbixin ku saabsan Suuqaas ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hayat Market Mudane Cabdinuur Guutaale wuxuu sheegey in Suuqaan Dhismihiisa iyo qalabeyntiisa uu soo socdey muddo Afar Sanno ah isagoo sheegey XAYAAT MALL uu yahay Suuq Casri ah oo aad ka heleysid wax walba oo aad u baahato ayna ku dhex yalaan Super Market casri ah, Bank yada , Shirkadaha isgaarsiinta dalka, Hospital da iyo Dahablaha.

Waxaa Munaasabadaas ka hadley Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Furitaanka Suuqaas wuxuun ugu duceeyey Ganacsatada leh Suuqaan in Xoolahooda Ilaah u Barakeeyo

Waxaa kaloo Xaflada ka qeyb galey qaybaha kala duwan ee ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgashiyaal caalami ah waxaana ka hadley Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo sheegey Suuqa Xayaat Mall uu Albaabada u Furi doono in Soomaaliya ay la jaan qaado Suuqyada Casriga Adduunka wuxuuna u soo jeediyey in ay ka qayb qaataan Horumarinta Dalka

Gudoomiyaha haweenka Qaranka Batuulo Shiikh Axmed Gabbele oo ka hadashey Xafladaas ayaa u Mahdcelisey Ganacsatadii furtey xarunta labaad ee Xayat waxay sheegtey in Furitaanka Suuqaan uu Calaamad u yahay sida Soomaaliya ay marba marka dambeysa ugu Talaabsaneyso Horumar iyo Nabadgelyo

Sidoo kale Xildhibaanada kala ah Cabdiraxmaan odowaa iyo Cabdixakiim Macalin waxay qireen Gansatada Shiradda Xayaat ay ku soo shaqeeyeen Xaalad adag iyo dhabar adeyg taasoo u suurtagelisey in maanta gaaraan Horumarkaan

Ugu Dambeyn Waxaa Suuqaas Xariga ka jarey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar mahadcelin ka dib wuxuu sheegey in Dowladda ay soo dhaweyneyso Furitaanka Suuqayada noocaan ah sida Xayaat Mall wuxuuna Balan qaadey in Gancsatada Maalgashata Dalka ay u sameyn doonaan Canshuur Dhimis.