Sheekh Soomow oo sheegay arrin aysan diinta ogoleyn oo la xiriira xildhibaanada la dooranayo ee BF (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa sheegay in Diinta Islaamka aysan ogoleyn Dadka ayagu xil doonka ah ee aysan wadan bulshada ay matalayaan ama raali ka aheyn, sida uu sheegay.

Sheekh Soomow oo si gaar ah uga hadlayey doorashada labada Aqal ee BFS oo dhawaan ka bilaabatay dalka, ayaa sheegay in Qofka xiligaan xildhibaanimo isku soo taaga Gabar ama Nin ha noqdeen Diintu raali kama aha, sida uu sheegay.

“Cid soo doonanatay maya, cid lagu dirqinayoo Aqoonteeda/Aqoontiisa fiican tahay aan wasiir ka dhigano Culimada waa ok ayey leedahay, laakiin wiilka/gabadha soo doonta yaan la siin ayaa leenahay,” ayuu yiri.

“Gabar ama Igaar kursiga raba in aan arkeyn iga ballan-qaada, Soomow uma diidin ee Diinta ayaa u diiday, haddaa Diin rabto kursiga aad soo doonantay lagu siin maayo ee waa in lagu keeno.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xuquuqda ay Diintu u sinto Haweenka iyo Ragga, wuxuuna sheegay inay rabaa qof wanaagsan oo umadda u naxa, islamarkaana hogaan u noqon kara.

“Lama ogola Nin/Gabadh lacag la ordeysa, waxaa rabnaa dad qiyam leh oo umadda u naxaya, Soomow uma diidin ee Diinteena sidaas dhahday.”

Si kastaba, Arrinta uu Soomow ka hadlay ayaa inta badan isku khilaafsan-yihiin culimadda, ayada oo ay tahay mas’alo ay culimada si kala duwan u fasiraan.

Hoos ka daawo muuqaalka