Koox burcad ah oo jabsatay website-ka mid ka mid ah wasaaradaha DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad ah ayaa jabsatay oo la wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee moci.gov.so, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga cida ka dambeysa arrintan, balse waxaa gebi ahaanba ka maqan hawada website-ka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaana kooxda qabsatay ay isku magacaabeen Derakson.

Kooxda qabsatay website-ka ayaa ku qoray luuqado isugu jira Tukish iyo English, iyo farriin ah “ma jiro system ammaan ah.”

Ma jiraan illaa hadda wax dalabyo ah oo kooxda ay soo jeediyeen oo la xiriira arrintan, ayada oo lagu yaqaan inta badan kooxaha jabsaday website-yada inay dalbadaan lacago.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa aad u kordhay kooxaha jabsada website-yada shirkadaha waa weyn ee caalamka, kadibna dalba lacag malaayiin dollar ah oo marar badan la siiyey.