Wada-hadallada Farmaajo: Shirqool miyaa loo dhigay Ra’iisul Wasaare ROOBLE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka digay shirqool uu sheegay in uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u maleegayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in la rabo in Ra’iisul Wasaaraha waqtiga iyo dar-darta laga dilo, islamarkaana lagu furo mowjado kale oo dib u dhiga hanaanka geedi socodka doorashada iyo howlaha uu wado.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay shaqsiga bulshada Soomaaliyeed ku abuuray cabsi amni, doonayana in uu qori caaradii ku maamulo dalka.

“Waxa uu aaminsan yahay (Farmaajo) waddada keli ah ee siyaasad lagu xaqiijiyo ay tahay qori caaradii iyo bambo gaajada ka furan, oo qofka ay ku qarxayso aan la aqoon. Anaga waxaa rabnaa in aan ka badbaadino oo asaga iyo anaga midna ku qarxin, laakiin asaga dan kama laha middaas,” ayuu yiri.

“Ninkaad beri ku baran wayday, bil kuma baratid. Waa iga waaya aragsan yahay qofkii inta sheegay wax gedisan keena. Keliya waxaa la doonayo in RW waqtiga iyo dardarta laga dilo, la daaliyo, dadkiisana la niyad jebiyo, ka dibna la buurto.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore uga digay Rooble in tanaasul iyo gorgortan uu ka galo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh oo uga imaanaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo asagu dhawaan soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku dhimay awoodihiisi Dastuuriga ah