Maxaa ka jira in Jamaal lagu xanibay garoonka Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd loo sii galbiyey dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, oo laga soo doorto.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa iska soo tarayay warar uu maamulka Puntland ku sheegay been abuur, kaasi oo ahaa in afaafka hore ee garoonka lagu celiyay dad soo dhaweynayay Jamaal.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Saraakiisha Amniga garoonka diyaaradaha Garoowe ku eedeyeen in uu ka dambeeyo Wasiirka oo asagu doonaya in uu abuuro jawhareer bulsho.

Waxay sheegen in Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya uu ujeedo siyaasdeed ka lahaa arrintaas, maadama lagu tiriyo xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee is-hayaan Saciid Deni.

Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin, wuxuuna isu diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Aqalka hoose ee BFS.

Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa si weyn ay siyaasad ahaan isku hayaan maamulka Saciid Deni, iyagoo marar badan iska weeraray warbaahinta.

Si kastaba, Puntland ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada golaha shacabka ee heer federaal, taasi oo loolan adag ay u gelin doonaan xubnaha u sharaxan golahaasi.