Kenya iyo Qatar oo uu wada-hadal u billowday ka hor xukunka ICJ ee kiiska badda

Doha (Caasimada Online) – Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya, Dr. Fred Okengo Matiang’i oo gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Khalid Bin Abdulaziz Al-Thani.

Socdaalka Matiang’i ayaa waxay warbaahinta Kenya ku sheegtay in uu la xiriiro heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo ay kala saxiixan doonaan Kenya iyo Qatar.

Hase yeeshe, Matiang’i ayaa farriin uu ka sido Uhuru Kenyatta la wadaagay Amiirka Qatar, taasi oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna ku soo aadeysa xilli la filayo in bisha October 12-keeda ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo xukunka dacwada muranka badda.

Matiang’i ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray heshiiska cusub ee lagu wado inay kala saxiixdaan Qatar iyo socdaalkiisa Qatar, ayaa waxa uu ku yiri “Waxay ii tahay sharaf weyn in aan farriin gaar ah oo ka socota Madaxweyne Kenyatta aan gaarsiiyo Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha Qatar.”

“Labadayada dowladood (Kenya iyo Qatar) waxay ku socdaan inay saxiixaan heshiis amni oo dhameystiran oo ku xiran danaha labada dhinac.”

Kulanka Matiang’i iyo Sheikh Khalid ayaa dib u soo nooleynaya tuhun cusub oo la xiriira in dowladda Qatar ay isku dayeyso in heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay hore ugu fashilmatay.

Dowladda Qatar ayaa hore ugu guuleysatay inay demiso xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo dib u soo celisay xiriirkii labada dal oo saameyn ku yeeshay labada bulsho.

Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.