Sawirro: Qeybo ka mid ah Islii oo lagu kala cararay kadib markii la sheegay in qarax…

Nairobi (Caasimada Online) – Suuq wayn oo mall ah oo ku yaala xaafadda Islii, ee magaalada Nairobi, gaar ahaan Yare Tower, oo ku yaalla 12 Steeat ayaa maanta lagu kala cararay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu qarax ka dhici karo halkaas.

Warar horudhac ah, oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in meesha lagu arkay ama looga shakiyay walxaha qarxa, taasi oo keentay in dhammaan shacabka laga saaro.

Waxaa kadib goobta soo gaaray ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in laga dhaqaaqo aaggaas, si loo baaro qaraxa laga shakisan yahay.

Ciidamada aagga soo gaaray oo ahaa kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagga qaraxyada, kuwaas oo watay eeyaha wax u riya, ayaa kadib baaritaan ku sameeyey mall-ka, waxayna kadib xaqiijiyeen in warka ku saabsan qaraxa uu been ahaa.

Ma cadda cidda ka dambeysay wararkan qaraxa ah ee la faafiyey.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo laabatay, waxaana shacabka lagu wargeliyey in suuqa uu amni yahay, oo ay ku laaban karaan. Ciidanka ayaa sidoo kale halkaas ka tegay.

Inkasta oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen Nairobi, haddana badanaa ma dhacdo in la beegsado xaafadda Islii, oo ah meel ay aad ugu badan yihiin Soomaalida. Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya