Guddiga doorashada heer federaal oo maanta doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka murashaxii la tartamayey ee Cabdiraxim Cabdicasiis Aadam uu helay 11 cod, kadib loolan maalmo socday oo xulufo siyaasadeedyo lama filaan ah ay ku abuurmeen. 

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubnaha guddiga kasoo galay dhanka Puntland iyo Jubaland.

Murashax Cabdiraxiim ayaa isna taageero ka haystan madaxtooyada Soomaaliya iyo maamullada taabacsan sidan Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale taageerayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Waxay aheyd markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ayada oo ay laba dhinac ugu kala jabeen doorashadan, oo qaarkood ay ku aragti ahaayeen Villa Somalia. 

Murashaxiinta qaarkood ayaa u diidanaa Muuse Geelle inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, balse waxaa muuqata in Deni uu ka adkaaday xubnihii kasoo horjeeday.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro ayaa xilka laga qaaday 25-kii December kadib markii lagu eedeeyey inuusan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha doorashada, kuna xiran yahay Villa Somalia.

Doorashada Muuse Geelle ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay ra’iisul wasarae Rooble, kagana adkaaday Farmaajo, ayada oo guddiga uu hadda si buuxda uga baxay gacanta Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii