Guddiga doorashada heer federal oo shaaciyey in lagala wareegay barihii bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa markale shaaciyey in lagala wareegay gacan ku heynta maamulka Barihii Bulshada ee uu isticmaalayey guddiga, sida Website-ka, Facebook-ga iyo Twitter-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku wargelinayo inta daneyneysa doorashada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in lagala wareegay Barihii Bulshada ee guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn iyo tallaabooyin lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha bulshada guddiga waxa ay muujineysaa mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa intaasi kusii daraya ” Haddaba waxaan caddeyneynaa in wixii lasoo geliyo inta dib loo soo celinayo ay yihiin waxba kama jiraan,”.

Ugu dambeyn Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaca ka qaaday in haatn wixii ka dambeeya macluumaadka doorashada uu ku soo gudbin doono shirar jaraa’id & wareysiyo.

“Xogaha doorashada waxaan kusoo gudbin doonaa shirar jaraa’iid, wareysiyo iyo wixii la mid ah,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Qoraalkan waxaa si wadajir u soo saaray guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle, Mowliid Mataan Salaad oo ah guddoomiye  ku xigeenka guddiga & Cabdikariin Cabdicasiis Aadan oo ah xoghayaha Guddiga Doorashooyinka, waxayna taasi muujineysaa in guddiga dhexdiisa ay jirto kala qeybsanaan u dhexeysa xubnaha Guddiga FEIT ee doorashooyinka dalka.