Natiijada kursigii uu Wasiirka Batroolka ku fadhiyey oo la hakiyey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa soo saaray qoraal uu ku hakinayo shaacinta natiijada rasmiga ah kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#45, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa ku wargeliyey FIET inuu hakiyo ku dhowaaqista natiijada kursigan oo uu horey ugu fadhiyey wasiirka Batrolka Soomaaliya oo haatan lugaha kula jiro dood xoogan oo kala dhalatay heshiis uu saxiixay oo ku aadan soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay dacwadda soo gudbiyeen 1-Suldaan Maxamed Axmed Cumar 2- Musharrax Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo 3-Musharrax Jawaahir Jeylaani Cabdullahi.

“Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 isaga oo gudanayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#45, laga bilaabo 19/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaasi,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan uu kusoo dhammeystiri doono muddo illaa 7 cisho, si xal looga gaaro bashada hareysay kursiga HOP#45 ee Golaha Shacabka.

Waxa kale oo uu Guddiga Xallinta ka dalbaday Guddiga SEIT Koonfur Galbeed inuu kala shaqeeyo dacwadda, si loo helo xog dhammeystiran.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay nin lagu magacaabo Maxamuud Axmed Maxamed, kadib doorasho ka dhacday magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.