Guddiga doorashada oo dharbaaxo culus ku dhuftay CABDI XAASHI iyo MAHDI

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in gebi ahaanba aan lagu dhaqmi doonin habraacii ay kal hore si wada-jir ah u soo diyaariyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya.

“Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal.

Habraaca ay si wada-jir ah hore ugu soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxa lagu shaqeeyay doorashadii Aqalka Sare, hase yeeshe waxaa la laalay in lagu dhaqmo doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland).

“Waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal-marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay.”

Golaha Shacabka Somaliland ayaa lagu maamulaya sida uu sheegay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal mid lamid ah maamulada kale ee dalka.

“Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal.