Guddiga Doorashada oo digniin culus u diray xubno ku dhaqaaqay tallaabo u gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo goordhaw kasoo baxay guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ee FEIT ayaa baaq loogu diray xubno ka tirsan guddigaasi ee shalay gaaray Garbahaarey, kuwaa oo sheegay in ay qabanayaan doorasho.

Guddiga doorashada ayaa ka digay in xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay mas’uuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Go’aanka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadayo xilli xubno ka tirsan guddiga, oo ku xiran Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, ay shalay gaareen magaalada Garbahaarey, halkaas oo ay ka socoto qorshe looga soo horjeedo in doorashada lagu qabto Ceelwaaq.

“Annagu waxaan nahay guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ayaan ku gaarnay magaalada Garbahaarrey,” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee tagay Garbahaarey.

Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.

“Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go’aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo,” ayuu yiri Cabdiweli.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isla ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.

Guddiga doorashada ayaa horey ugu dhawaaqay in doorashada Garbahaarey loo wareejiyey Ceelwaaq kadib markii Garbahaarey loo diiday inay tagaan guddiga doorashada ee Jubbaland.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada 16-ka Kursi ee Gedo lagu qabto magaalada Ceelwaaq halkaas oo ay amni ahaan gacanta ku hayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Halkan ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada