Wasiiro ka tirsan xukuumada oo ka falceliyey go’aankii maxkamada ee kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii lama filaanka ahaa ee ay ku diiday dacwadii Fahad Yaasiin ee kursiga HOP#086.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu horeyntii go’aankaasi ku bogaadinayaa Maxkamadda Sare ee JFS ee uu hogaamiyo Garsoore Baashe Yuusuf Axmed.

“Dhab ahaanti maxkamadda sare ee dalku waxa ay maanta u hiilisay qarannimada, nabadda iyo cadaaladda. Gudoomiye Baashe, garsoore Saalax Dhiblaawe & garsoore Cabdicasiisna waxa ay sameeyeen taariikh mudan in loo diiwaangaliyo garsoorka JFS,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaala ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay mid dariiqa u jeexaya Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed ee ay ku qabaan garsoorka dalka.

“Sharciga ayaa hiiliyay, xaqa ayuuna u hiiliyay. Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku imaanaysaaa dariiqaan oo kale. Waa mahadsantahay Maxkamadda sare ee Dalku,” ayuu ku yiri Al-Cadaala qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin, ayada oo go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay maxkamaddu aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Xafiiska ayaa dooddii shalay ee Maxkamaddu ay qabatay ku dooday in Maxkamadda Sare aanay awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad, taasi oo Maxkamadda ay ku raacday.

Waxa saxiixay go’aankan saddexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa dhabar-jab weyn ku ah Fahad Yaasiin, waxayna soo xirtay albaabkii ugu dambeeyey ee uu ku noqon lahaa xildhibaan, mana cadda waddada xigta ee uu qaadi doono.