Xog: Loolanka gudoomiyaha Aqalka Sare iyo musharaxa la filayo inuu ku guuleysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dooorashooyinka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa billaabay diiwaan gelinta musharraxiinta u taagan qabashada guddoonka Aqalka Sare ee kursiga guiddoomiyaha iyo labada ku-xigeen.

Guddiga ayaa sheegay inay ilaa hadda ay is-diiwaan geliyeen 11 musharax oo doonaya xilalka guddoomiyaha Aqallka Sare iyo labadiisa ku-xigeen, islamarkaana ay filayaan xubno kale oo dheeri ah.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Senator Saalax Axmed Jaamac, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Senator Saalax Cumar Xasan ayaa isku diiwaan geliyay xilka guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale ku-xigeenka koowaad isku diiwaan geliyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbana Ibrahaim, halka ay ku-xigeenka labaad ay isku diiwaan geliyeen Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag), Senator Ilyaas Badel Gaboose, Senator Sareedo Maxamed Xasan (Jayte), Senator Cabdi Caismaan Xareed iyo Senator Cabdullaahi Cali Xersi

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka golaha aqalka sare Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa sheegay in maanta ay sagaalkaas muasharrax la diiwaan geliyeen, ayaga oo sidoo kale qaatay shaadada guddiga ee musharraxnimo oo la siiyay mid waliba oo ka mid ah musharraxiinta.

Inkasta oo loolanka uu u muuqdo mid adag, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa in la filayo inuu mar kale xilka guddoomiyaha ku guuleysto Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, haddii aanay wax isbeddelin maalmaha soo socda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Xaashi uu haysto taageerada Saciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo xubnaha ay soo saareen, taageerada mucaaradka, iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ka yimid Somaliland iyo kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Doorashada ayaa dhaceysa 26-ka bishan April oo ku beegan Talaadada soo socota.