Guddiga Doorashada oo shaaciyey haddii doorashada la dhameyn karo kahor 25-ka Febraayo iyo haddii kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli kasii socota dalka, ayada oo muddadii loo qabtay in lagu gaba-gabeeyo ay ka harsan tahay 23 maalin oo keli ah.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa 9-kii bishii hore go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Haddaba, mudada kooban ee hartay ma lagu soo gaba-gabeyn karaa doorashada Golaha Shacabka, mise dib u dhac kale ayaa ku imanaya?

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta kula hadlay maanta gudaha Dugsiga Tobabarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay u socdaan sidii loogu talo-galay.

Safiina ayaa waxa uu xusay in maalinta berrito ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi oo Golaha Shacabka, islamarkaana ay dardar-geliyeen doorashada.

Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyey in jadwalkii doorashada ee loo asteeyay 25-ka bishaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntiina waxa uu faray guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka doorashada inay si deg deg ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka ee deegaanadooda lagu qabanayo.

Doorashooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ku yimid dib u dhacyo, ayada oo ay shaqeyn waayeen jadwal doorashooyin kala duwan oo lasoo saaray, waxaana xiligaan lagu wadaa in doorashada Golaha Shacabka ay kusoo afmeermaan waqtigii loogu tala-galay, ama ugu yaraan bisha kale bilowgeeda.