Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneraal Biixi oo dacwad looga furayo UK

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka digay in ciidamada dhawaan la geeyay magaaladaasi ay keeni karaan iska horimaad gacan ka hadal ah, iyagoo xusay inay taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya kala xisaabtami doonaan cid kasta oo ku dhimata Beledweyne.

Warqad qoraal ah oo loo diray Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble oo nuqul ka mid ah sidoo kale la gaarsiiyey Beesha Caalamka, ayey Madaxda Beesha Xawaadle kaga digeen in Ciidamada la geeyey Beledweyne uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u isticmaali rabo boobka kuraasta taala Beledweyne.

“Waxaan rumeysannahay in ciidamada qalabka sida ee la geeyey Beledweyne ay tahay fal daandaansi ah oo keeni kara iska hor imaad dhex mara bulshada Hiiraan, taasoo keeni karta barakac iyo amni darro hor leh, xilli in ka badan laba milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin inay macluul u dhintaan halka kala bar Soomaalida ay wajahayaan cunto yari,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu qoray warqadda.

Sidoo kale warqadda ayaa walaac looga muujiyey in ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne aysan hoos imaan talisyada ciidamada, islamarkaana aan lasoo marsiin Wasaaradda Amniga iyo habraacyada ciidamada loo dajiyey.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay isku aaday hadalkii  dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka maamulka Goboleedka HirShabelle ee ahaa in dhammaan kuraasta baarlamaanka Beledweyn ay “ku guuleysanayaan” musharaxiin ay iyagu doortaan, beeluhuna aysan wax door ah ku yeelan doonin.

“Waxaan rumeysannahay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidamada la geynayo Beledweyne iyo hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ee ahaa in doorashada lagu shubtay aysan ahayn wax iska yimid oo kaliya balse uu yahay qorshe uu soo abaabulay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu saameyn ugu yeesho natiijada doorashada,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha beesha Xawaadle.

Ugu dambeyntii warqadda ayaa lagu xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya SNA Sareeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi oo ay sheegeen inuu hoggaaminayey ciidamada la geeyey Beledweyne, waxana warqadda lagu xusay in Biixi oo ah muwaadin UK ah in lagu dacwayn doono sharciga ‘Overseas Operation Law”  ee baarlamaanka UK uu ansixiyay sanadka 2021.

Shir ay dhawaan isugu yimaadeen Xildhibaano hore xilal kala duwan u soo qabtay, Madaxweynayaashii hore ee HirShabelle, Qurbajoogta Beesha Xawaadle iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in ciidamo la geeyo magaalada Beledweyne, iyagoo xusay in xaaladda ka jirta magaalada Beledweyne ay tahay mid siyaasadeed, islamarkaana wax looga qaban karo oo kaliya wada-hadal iyo dib u heshiisiin.

Hogaamiyayaasha ayaa intaa ku daray in soo daabulitaanka ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo labaduba uu tababaray dalka Turkiga ay sidoo kale jebiyeen heshiisyadii siyaasadeed ee dhawaan ay gaareen golaha wada tashiga qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaas oo ciidamada ka mamnuucay in ay galaan siyaasada.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa taalo 25 Kursi oo kamid ah 38-ka kursi ee HirShabelle, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa kuraastaas.