Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka khudbadaha musharixiinta oo billaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 11-ka May kuna eg 12-ka May.
Jadwalka khudbadaha ayaa waxaa musharixiinta loo kala hormariyey sida ay u kala horreeyaan xuruufta A Illaa Z, ee English-ka, waxaana musharax walba la siiyey 15 daqiiqo oo laga rabo inuu kusoo koobo khudbadiisa.
Waxaa maalinta ugu horeyso hadal jeedin doono 20 kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya halka maalinta labaadna ay jeedin doonaan 19 kale.
Kulanka baarlamaanka oo Berri furmi doono saacadda 10:00AM ayaa waxaa khudbadda koowaad leh Cabdi Aadan Hoosow halka khudbadda ugu dambeyso la siiyey Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale, xubnaha miisaanka leh ee maalinta Koowaad khudbeyn doono ayaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn loo sugayo khudbadiisa kaasoo shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Farmaajo.
Musharixiinta ugu miisaanka culus sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo guddoomiyihii hore ee Gobolka BanaadirThaabit Cabdi Maxamed ayaa waxay khudbadda leeyihiin maalinta Labaad ee 12-ka May.
Guddiga ayaa ka dalbaday Musharraxiinta in ay ilaaliyaan Jadwalka doorashada, islamarkaana ay soo xaadiraan xilligii loogu tala galay.
Halkaan hoose ka akhriso jadwalka oo dhameystiran