Guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo shaaciye qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in jawi mashquul leh ay gali doonaan Guddiyadda doorashooyinka ayaa waxaa iminka soo baxaaya warar sheegaya in Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ay u guda galeen diiwaan galinta Axsaabta Siyaasadda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ”Xaliimo Yareey” oo la hadleysay warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in wakhtiga uu yahay mid aad u yar isla markaana ay iminka bilaaben inay diiwaan galshaan Axsaabta Siyaasadeed.

Xaliimo Yareey, waxa ay sheegtay in xiliga lagu jiro uu Guddiga diyaarinaayo shuruuc adag oo lagu kala xakameynaayo Axsaabta Siyaasada, waxa ayna carab dhawday inay soo saari doonaan qodobo adag.

Xaliimo Yareey, waxa ay tilmaantay in Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda ay waajib ku tahay in labada sano ee ugu horeyso dowladda soo socota ay ku kala biiraan Axsaabta Siyaasadda.

Diiwaan Galinta ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka ayaa ku soo beegmeysa xilli kol hore ay Mudanayaasha Baarlamaanka ay meel mariyeen Sharciga Axsaabta.

Tani ayaa muujineysa in lagama maarmaan ay tahay in dowlada Somalia ay dulqaad u muujiso Siyaasadaha iska soo horjeeda oo ay Axsaabta kusoo kordhin doonaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com