28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Guddiga doorashada oo go’aan lama filaan ah ka qaatay doodii musharaxiinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaban qaabada Doorashada heerka Madaxweyne ee dalka ayaa shaaciyay in la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in la joojiyay dooda, waxa uuna sheegay in sababta ugu weyn ee maanta loo joojiyay ay tahay in dalka oo dhan aanu maanta ka jirin wax Interneed ah.

Beyle, waxa uu sheegay in Interneed la’aanta ay sababtay inaan lagu kulmin dooda.

Guddoomiye Beyle, ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo aysan wixii hadda ka dambeeya dhici doonin..

Beyle, waxa uu tilmaamay in maanta lagu balansanaa inay dhacdo dooda 12 Musharax, waxa uuna cod dheer ku sheegay in is fahan’waa dhacay dartii ay u joojiyeen dooda oo idil.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

Tani waxa ay imaaneysaa xili Guddiga doorashooyinka qudhooda ay markii hore isku khilaafsanaayen dood wadaaga maanta fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News