Guddiga FEIT oo jawaab ka bixiyey tallaabo ay qaadeen garabka Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) uu shaaciyay in doorashada kuraastii Garbahaarey loo wareejiyay degmada Ceelwaaq, waxaa socday isku-dayo la doonayey in doorasho looga abto Garbahaarey.

Guddiga FEIT ayaa hadda qaaday tallaabo uu waxba kama jiraan uga dhigayo waraaq la sheegay inay kasoo baxday guddiga oo lagu shaaciyay 16 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Garbahaarey.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada ku wargelinaynaa inaysan warqaddani ahayn mid ka soo baxday Guddiga FEIT. Waqtiga xasaasiga ah ee dhammeystirka doorashada awgeed, dad baa ka faa’iideysanaya inay bulshada ku marin habaabiyaan warar been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu beeniyay waraaqdaas.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Go’aanada rasmiga ah ee Guddiga waa kuwa lagu daabaco baraha bulshada ee guddiga, wixii ka soo hara waa waxba kama jiraan fadlan ka digtoonaada.”

Waraaqda uu Guddiga FEIT beeniyay ayaa waxa baraha bulshada ku faafiyay taageerayaasha Villa Somalia, taasi oo lagu sheegay in doorashad 16 kursi ee laga wareejiyay Garbahaarey ay qabsoomi doonto 24 illaa 25 bishaan, islamarkaana doorashadoodu ka dhaceyso isla Garbahaarey

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyagoo tix-gelinaya heshiiska doorashada ee 17 Sebteembar 2020, kaasoo dhigayey labada deegaan doorasho ee maamul kasta, waxay Guddigu soo gudbinayaan jadwalka doorashada 16 kursi ee yaal deegaan doorashadii labaad ee degmada Garbahaarey Dowlad Goboleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri waraaqda uu beeniyay Guddiga FEIT.

Arrintan ayaa ka dhigaysa in sku-deygii ugu dambeeyay uu fashilmay lamana oga in garabka wada howsha uu beeniyay Guddoonka Guddiga FEIT uu ku adkeysan doono fulinta jadwalka lagu sheegay waxba kama jiraanka.

Xitaa haddii doorasho lagu qabto Garbahaarey waxaa su’aal ay ka taagan tahay cidda aqoonsi siineysa xildhibaanada kusoo baxa halkaas, maadaama Fahad Yaasiin oo la rumeysnaa inuu yahay ninka ugu awoodda badan siyaasadda dalka uu guddiga u diiday shahaado xildhibaanimo.