Guddiga SEIT ee HirShabelle oo yeeshay gudoomiye cusub – Sidee u dhacday doorashada?

Beledweyne (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Hirgalinta Doorashada HirShabelle ayaa maanta Mudane Maxamed Xuseen Maxamed u doortay Gudoomiyaha guddiga doorashada HirShabelle.

Doorashada ayaa aheyd nidaamka gacan taaga ah, maadaama kaliya hal musharax u tartamayay hogaanka guddiga, waxaana Maxamed Xuseen Maxamed ugu codeeysay HAA 8 xubin, halka xubin kamid ah guddiga ay MAYA kaga codeesay guddoomiyaha cusub.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goor sii horeysay xilkii iyo xubinimadii gudiga ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle, Axmed Xasan Diini, isaga oo ku eedeeyay in uu xagal daacinayo hanaanka doorashooyinka.

Guddoomiyihii la tuuray ayaa asaguna dhankiisa sheegay in Madaxweynaha HirShabelle iyo xubno kamid ah xulafadiisa ay hortagan yihiin in la dhameystiro doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabada uu qaaday madaxweyne Guudlaawe oo xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii SEIT ee maamulkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Maxamed Xuseen Maxamed ee la magacaabay, sidoo kalena wuxuu faray guddiyada doorashada inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Rooble oo Taleefanka kula xiriiray madaxweynaha HirShabelle ayaa kala hadlay muranka hareeyey doorashada kuraasta Beledweyne iyo tartanka inuu noqdo mid furan.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacday waqtigii lagu ballamay in lagu soo gaba-gabeeyo, kaasi oo ahaa 15-kii bishaan Maarso ee sanadka 2022-ka.