DIINI oo ka horyimid xil ka-qaadista lagu sameeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday guddiga SEIT ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan caqabadda hareysay doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Diini ayaa marka hore ka horyimid xilka qaadistii uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo shirkiisa jaraa’id ku bilaabay inuu weli yahay guddoomiyaha guddiga heer dowlad goboleed HirShabelle ee SEIT.

“Waxaan rabaa shirkeyga jaraa’id maanta inaan uga hadlo aniga oo ah Axmed Xasan Diini guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer State waxyaabo maalmahaan dambe doorashada maamul goboleedka HirShabelle kusoo kordhay,” ayuu yiri Axmed Xasan Diini.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa shaaciyey in doorashada HirShabelle uu faragelin ku hayo maamulka, taasina ay keentay ha kadka ku yimid doorashadaasi.

“Waxaad ogtihiin in maalmahan dambe ay doorashada HirShabelle hakad ku jirtay sababaha ay ugu jirtayne inay tahay faragelin ay ku hayeen maamulka HirShabelle . Waxaan halkan ku caddeyneynaa in guddiga doorashooyinka HirShabelle ee SEIT iyo FEIT la farageliyey,” ayuu yiri Diini.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweynaha HirShabelle go’aanno kasoo horjeedo doorashada ayuu qaatay iyo inuu madaxtooyada ka sameystay team wasiiro iyo xildhibaano ah oo halkaa la leeyahay halagu diiwaan-geliyo,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo waraaq kasoo baxday xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe xilkii looga qaaday guddoomiye Axmed Xasan Diini, waxaana sidoo kale gebi ahaan laga saaray xubinimadii guddiga, kadib markii lagu eedeeyey xagal daacin iyo inuu guddiga doorashada ee SEIT ka leexiyey habsami u socodkii doorashada Beledweyne.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad ka dhalatay doorashada kuraasta Beledweyne oo ay hareeyeen murano xoogan iyo is qab-qabsiyo la xiriira doorashadaasi.