Mareykanka oo ka carooday tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen IMAARAADKA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay “inay si weyn uga niyad jabtay” booqashada madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ee Imaaraadka Carabta, waxayna xulufadeeda ku boorisay inay ka fogaadaan xiriir ay la yeeshaan talis lagu eedeeyey “tacaddiyo argagax leh.”

Booqashadii yaabka laheyd ee Assad ee Jimcihii ayaa aheyd tiisii ugu horreysay ee uu ku tago dal Carbeed tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkiisa 2011-kii, kaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow nus milyan qof.

Waxay aheyd astaantii ugu dambeeyey ee xiriir soo xoogeysanaya oo u dhaxeeya Syria, iyo Imaaraadka Carabta oo xulufo muhiim u ah Mareykanka. 

“Si qoto dheer ayaan uga niyad-jabnay oo ay noo dhibtay isku dayga sharciyadda lagu siinayo Bashar al-Assad,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Price ayaa sheegay in Assad “uu weli mas’uul ka yahay, lagulana xisaabtamayo dilalka iyo silica dad Suuriyaan ah oo aan la xisaabi karin iyo barakaca in ka badan kala bar shacabak Syria, iyo xariga iyo waayitaanka in ka badan 150,000 oo isugu jira rag, haween iyo carruur.”

“Sida uu ku celiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken, ma taageereyno dadaallada dhaqan-celinta loogu sameynayo Assad, mana taageereyno kuwa kale ee xiriirka la sameysanaya,” ayuu yiri Price.

“Waan u caddeynay arrintan saaxiibadeena, waxaana ugu baaqeynaa dalalka inay ka fiirsadaan la-macaamilka taliska Assad, oo ay si taxaddar leh u eegaan tacaddiyada argagaxa leh ee taliskiisu gaystay.”

Booqashada Assad ee Imaaraadka Carabta ayaa timid, ayada oo Russia – oo sidoo kale taageero weyn u ah Dimishiq, xiriir xoogganna la leh Imaaraadka – ay sii xoojisay duulaankeeda Ukraine.

Dagaalka Syria ayaa qarxay March 2011 kadib markii ay billowdeen dibad-baxyo ka dhanka ah dowladda Assad, waxaana sanad kadib Imaaraada Carabta, si la mid ah inta badan dalalka Carabta, ay xiriirka u jareen Dimishiq.

Hase yeeshee Imaaraada ayaa dib u faray safaaraddoodii caasimadda Syria bishii December 2018, taasi oo tusmeysay isku day taliska Assad dib loogu soo celinayo xeendaabka Carabta.

Jimcihii, Assad iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta, ayaa ka wada hadlay “xiriirka walaalnimo” ee u dhaxeeya labadooda dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu rajeynayo in booqashada ay “dhabbaha u xaari doonto wanaagga, nabadda, iyo xasiloonida Syria iyo guud ahaan gobolka,” ayey tiri WAM.