Guddiga Xalinta oo go’aan kasoo saaray doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen ku caddeeyay in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceel Waaq ay yihiin kuwo hareer marsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka.

Guddiga ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkaasi labadaasi magaalo, iyadoo la eegayo heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada gaareen madasha wadatashiga qaran 1-dii Oktoobar 2020, sida lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay guddiga.

Qoraalkaan kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxaa ka horeeyay qoraal kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo sharci daro ku sheegay doorashooyinka ka bilowday Garbahaareey iyo Ceel Waaq.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga 

War saxaafadeed Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu ku dhisan yahay heshiis siyaasadeed oo ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran 1dii Oktoobar 2020, waxaana waajibaadkiisa shaqo ugu muhiimsan inuu hubiyo in kursi kasta oo la doortay loo qabtay hannaan waafaqsan Heshiiska 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyada doorashooyinka. 2021-2022.

Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu caddeynayaa in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Gaarbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa hareer marsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada,  

Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda Maamulka Jubaland iyo doorkii Guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed. 

Maadaama lagu jiro gunaanadkii doorashooyinka dalka, ayna muuqato inaan tixgelin loo haynin heshiisyadii ay gaareen Madasha Qaranka ee lagu hagayay doorashooyinka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka kama qeyb qaadanayo inuu sharciyeeyo hannaanka lagu wado doorashada Gedo ilaa heshiis siyaasadeed oo arrintan lagu xallinayo ay gaaraan hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.