Guddigii uu magacaabay Camey oo fashil ku dhow kadib tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah xubnihiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa.

Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka, balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah, kuwaasoo kala ah; Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali.

Is-casilaadahan ayaa dhabarjab ku noqonaysa Camey, oo loo arki karo mid fowda ku wada nidaamka dowladeed ee Puntland, sababtoo ah way adkaan doonto inuu taageero helo guddi ay diideen xubnihii ka midka ahaa.

Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa maanta lagu eedeeyay dowladda dhexe, waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi, ayada oo adeegsaneysa Camey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com