26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Maxaa ka cusub murankii BFS ee doorashada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa qeyb looga dhigay guddi hoosaad gaar ah oo la doonayo iney  sharci ka dhigaan doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya iyo qorshihii xukuumada ee doorashada oo qaladaad badan laga sheegay.

Xildhibaan C/Samad Macalin Maxamuud oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee qeybta ka ah gudiga gaarka oo ka kooban 25 xubnood ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay gudigaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gudigaasi ay waxyaabo badan ka sixi doonaan nidaamka doorashada ee loosoo gudbiyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, kadibna dib loogu soo celin doono isla xildhibaanada baarlamaanka, marka ay aqbalaanna uu saxiixi doono madaxweynaha dalka.

“Marka hore iney xildhibaanadu soo jeediyaan maadaama doorashada la keenay inteeda badan ay dastuurka khilaafsan tahay, in baarlamaanku soo jeediyo, iyadoon dastuurkii waxba laga bedelin oo aan la taaban, in la ogolaado inay dhacdo doorasho dadban oo dalku hadda marxaladda uu ku jiro uga gudbaayo, ka bacdina xildhibaanada la soo dooranayo ee baarlamaanka soo socda in markaa la sameeyo wixii shuruurc ah ee rasmi ah”.

“Hadda maadaama xilli gabaabsi ah la joogo waxbana aaney diyaar ahayn, horta in la ogolaado in doorasho dadban ay dhacdo oo markaas baarlamaanku uu ansixiyo” ayuu hadalkiisa kusii adkeeyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney jiraan fikrado kala duwan oo xubnaha qaar ay ku kala aragti duwan yihiin:

“Fikirro ay shakhsiyaad qabaan oo la isku khilaafsan yahay waa jiraan, laakiin hadda doodaas wali lama gaarin, wali lama gaarin qodobadii xasaasiga ahaa oo ama xildhibaannada qaarkood u arkayeen ineysan sax ahayn ama maamul goboleedyada madaxdeedu ay u arkayeen iney aad muhiim ugu yihiin wali lama gaarin marka lagaaro ayaa wax laga dhihi karaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News