Guddigii uu magacaabay Rooble oo ay ka maqan tahay J/L oo gaaray Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolkaas.

Guddiga oo ka kooban xubno ka kala socdo Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo kan Jubaland ayaa Magaalada Garbahaarey ka bilaabay la tashiyada ku aadan sidii dib u heshiisiin looga dhex abuuri lahaa bulshada gobolka.

Wada-hadalada ka bilowday Garbahaarey ayaa waxaa saldhig u ah sidii Magaalada Garbahaarey loogu diyaarin lahaa qeybgalka doorasho loo dhan yahay oo lagu qabto magaaladaas.

Tagitaanka guddigaan ee Garbahaarey ayaa kuso aadayo xilli Maamulka Gobolka Gedo ee taagersan Farmaajo ay sheegeyn inuusan wax xiriir ah kala dhaxeyn madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay fursad siinayaan inta uga hartay waqtigiisa, oo ay ku sheegeen illaa bisha soo socota August.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Khilaafka ka taagan kuraasta taalo Gobolka Gedo ayaa kamid ah sababaha dib u dhigaya doorashada Soomaaliya, waxaana hadda laga war sugayaa natiijada kasoo baxdo dadaalada ay wadaan guddiga uu Rooble magacaabay.

Villa Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay Gobolka Gedo, waxayna gacan ku heynta gobolkaas kala wareegtay Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana socdo loolan ku aadan 16-ka kursi ee taalo Gedo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonto 10 October 2021 sida lagu qoray heshiiskii 27 May madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble ku dhex maray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inkastoo la qiyaasayo inay waqtigaas ka dib dhacdo sababo la xiriiro khilaafka ka taagan Gedo iyo Beledweyne.