Taalibaan oo ku hanjabtay ‘Jihaad’ ka dhan ah TURKEY

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ayaa dowladda Turkiga uga digtay inay sii waddo joogitaankeeda Militari ee dalka Afghanistan, taasoo ay kooxda ku sheegtay haddii ay dhacdo inay u arki doonto in ciidamada Turkiga ay yihiin kuwa gumeystayaal ah, islamarkaana ay ku qaadi doonto waxa ay ugu yeertay ”Jihaad”.

Digniinta ayaa timid iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo hor leh oo dagaal oo dadka dhaleeceeya ay sheegayaan inay muujineyso in Taalibaan ay qorsheynayaan inay awood militari kula wareegaan guud ahaan Afghanistan, taasoo meesha ka saareysa ballan-qaadkoodii nabadeed, waxayna arrintaan sare usii qaadeysaa cabsida laga qabo in dalka uu galo dagaal sokeeye oo buuxa.

Mareykanka ayaa weydiistay Turkiga in ay sugaan amniga garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib markii dhamaan ciidamada xulafada Mareykanka iyo NATO ay go’aan ku gaareyn inay guud ahaan dalkaas isaga baxaan dhammaadka bisha soo socota.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay Jimcihii isaga oo aan faahfaahin ka bixin in uu Washington kula heshiiyey in ciidamada Turkiga ay qaataan amniga iyo maareynta Garoonka Diyaaradaha.

Kooxda Taliban ayaa cambaareysay heshiiska dhex maray dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay mid carro dhallin kara, waxayna ka dalbadeen Turkiga inay dib u eegaan go’aankooda.

Bayaan ay Taalibaan soo saartay ayay ku sheegtay in ciidan kasta oo Afganistan ku hara ay u arki doonaan kuwa duullaan ku ah dalkooda, waxayna Turkey ugu digeen in xiriirka kala dhexeeya uu xumaan doonoo haddii ay sii joogaan.

“Sii joogitaanka ciidamada ajaanibta ah sabab kasta haku marmarsiiyoodaan waxaan u aragnaa inay yihiin gumeysi dhul qabsi ah, shaqo kordhinta loo sameenayo ciidamada Turkiga waxay kicin doontaa shucuurta iyo cadaawadda ka jirto gudaha dalkeena, waxayna dhaawici doontaa xiriirka labada dal,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Amniga iyo habsami u socodka garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai ee caasimada Afghanistan ayaa muhiim u ah ilaalinta wakiilada diblomaasiyadeed iyo ururada ajaanibta ah ee ka howl gala Kabul, waxaana maalinti Talaadada aheyd qarax bam oo lagu wareeray lagu dilay ugu yaraan afar qof. Sidoo kalana waxaa kor usii kordhay colaadaha ka jira gobolada kale ee dalkaas.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa saxaafadda u sheegay kadib shirkii golaha wasiirrada fiidnimadii Isniinta in Turkigu ogolaaday qodobbada qaar ka mid ah dhiggiisa Mareykanka ee ku saabsan socodsiinta garoonka, wuxuuna sheegay inay wadaan ka shaqeynta heshiiskaas.

“Haddii garoonka diyaaradaha uusan shaqeyn, waddamada waa inay dib ugala laabtaan howlahooda diblomaasiyadeed halkaas,” ayuu yiri Akar.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la filayaa inay sii joogaan caasimada Afghanistan, iyagoo ilaalinaya xarunta safaaradda Mareykanka.

Xoogaga Taalibaan ayaa si baaxad leh u kordhiyay gacan ku haynta qeybo badan ka tirsan Afghanistan iyagoo ciidamada Dowladda ka fara maroojiyay degmooyin fara badan iyagoon wax iska caabin ah la kulmin tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay si rasmi ah u bilaabeen inay ka baxaan dalka horaantii bishii May.

Ciidamada Dowladda Afghanistan ayaa qaarkoda waxay dib ugu gurteen meelo nabadgelyo ah halka qaar kale oo ka tirsan ay isku dhiibeen kacdoonnada kusoo socda.

Guulihii laga gaaray dagaalka ayaa Taliban u suurta gelisay inay si buuxda u hareereeyaan magaalooyinka waaweyn ee Afghanistan, oo ay ku jiraan caasimadaha gobollada.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washington Maalintii Isniinta aheyd ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Taliban ay qorsheyneyso inay si militari ula wareegto xukunka wadanka.

“Way cadahay waxay samaynayaan nashqado maamul oo u habeysan si qaran ah. Way cadahay waxa ay sameynayaan inay rumeysan yihiin inuu jiro xal milatari oo lagu soo afjarayo khilaafkan,”ayuu Kirby u sheegay wariyaasha.

“Waxaan sii wadeynaa inaan aaminsanahay in dhamaadka iyo xalka ugu badan ee dagaalkan uu yahay mid siyaasadeed, mid loo maro diblomaasiyadda lagu gorgortamayo,” ayuu mar kale yiri.

Maamulka Afghanistan ayaa wacad ku maray inay iska difaacayaan oo ka celinayaan kooxda Taliban magaalooyinka waaweyn, iyagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen boqolaal ka mid ah kooxaha kacdoonka waday maalmihii la soo dhaafay.