Tallaabo uu qaaday Yuuruf Dabageed oo xiisad dhalisay iyo wararkii ugu dambeeyay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmadaas, kadib shaqo joojin uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, Faysal Xaaji Aadan iyo labadiisa ku-xigeen, midaasi oo uga sii dartay qalalaasihii ka taagan degmada.

Madaxweyn ku-xigeenka oo dhawaan socdaal ku tegay Buulo-Burde ayaa waxa uu ku eedeynaya maamulkii degmadaas inay xalin waayeen khilaaf muddo ka dhex taagna maamulkooda iyo dagaalo beeleed kusoo noq-noqday degmadaas.

Shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed ayaa waxaa ka dhashay xaalad jahwareer ah oo ka taagan Buulo-Burde, ayada oo saacadaha soo socda la filayo in Odayaasha dhaqanka degmadaas iskugu imaadan shir deg-deg ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Odayaasha ayaa waxaa looga hadli doonaan shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed iyo xiisada ka dhalatay ee saameynta xoogan ku yeelatay degmada.

Buulo-Burde ayaa xiligan waxaa laga dareemaya xaalad walaac leh, ayada oo dadweynaha deegaankaas ay soo wajahday cabsi baahsan oo la xiriirta xiisada ay uga dartay shaqo joojinta uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka.