Guddigii uu magacaabay Rooble oo gaaray Jowhar xilli amarkiisa shaqeyn waayey

Jowhar (Caasimada Online) – Guddigii Wasiirada ah ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu 27-kii bishii January u magacaabay xal u heliidda xiisadda Magaalada Beledweyne ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha General Mukhtaar Xuseen Afrax, halka gudoomiye ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xilligaasi guddiga faray inay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka HirShabelle iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan bulshada reer Beledweyne.

Guddigaan wasiirrada ah ayaa lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan sidii madaxweynaha uu u tagi lahaa Baladweyne iyo sidii loogu qaban lahaa kuraasta doorashaduudu ay taallo magaalada loona asteeyey in lagu doorto kuraasta ka tirsan golaha shacabka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qayb ay ka ahaayeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Wafdigan ayaa Madaxtooyada Magaalada Jowhar kulan kula qaaay Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyadoona yoolku yahay in laga fogaado gacan ka hadal ka dhacda Beledweyne, si nabdoona loogu qabto kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi.

Xiisadda magaalada ayaa waxaa ay ka dhalatay kadib markii reer Baladweyne ay ka horyimaadeen safar magaalada uu ku tagi lahaa madaxweynaha HirShabeele Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo la baajiyey ka dib markii xaaladda magaalada ah cakiran tay.

Wax garagda iyo Bulshada magaalada Baladweyne ayaa dhowr jeer oo hore sidaan u hor istagay safarka madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana jirtay in waxgaradku dhowr jeer sheegeen in ay saluugsan yihiin dhismaha maamulka HirShabeelle.

Rooble ayaa guddigan magacaabay kadib markii magaalada ay gaareen ciidamo uu diray madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo Rooble iyo golihiisa wasiirada ay amreen inay deg deg uga soo baxaan, balse ma jirto cid dhageysatay, taasi oo caddey u ah in awoodda dalka ay weli gacan ugu jirto Farmaajo, Rooble-na ku kooban yahay oo kaliya hadal.