Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xil u magacaabay ku xigeenkii NISA ee uu Farmaajo xilka ka qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xil cusub u magacaabay taliye ku xigeenkii NISA ee dhowaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Taliye ku xigeenkii labaad ee Hay’adda NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) loogu magacaabay la-taliye sare oo xafiiska guddoomiyaha golaha shacbaka ah.

Magacaabiddan ayaa imaaneysa muddo 72 saacadood gudahood ah, taasoo muujineya in Guddoomiyaha Baarlamaanka ka horjeeday xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxa su’aal ka taagan tahay inuu Guddoomiye Baarlamaan xil ku magacaabi karo magaciisa isagoo ku-sime madaxweyne ah.

Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay shaqo joojin ku sameeyay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Waa masuulkii ugu horeeyay oo ka mid ah xubnihii saraakiisha ee xilka laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay oo maalmo kadib xil loo magacaabo.