Guddoomiyaha baarlamanka P/L oo diiday qorshihii Deni

Garowe (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka horyimid Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaas uu qaatay, kadib markii uu Madaxweyne Deni ka laabtay doorashadii qof iyo codka aheyd.

“Waxaan cadeynayaa in guddigaas uusan jideyneyn doorasho hufan oo ay ku kalsoonaa karaan xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya golaha wakiilada, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo madaxtooyada Puntland toona,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Sida ay xog ku heleyso Caasimada Online, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa isna la filayaa in uu kasoo horjeedso magacaabista Guddiga uu liiskiisa shaaciyey xafiiska Saciid Deni.

Musharaxiinta ku loolameysa xilka madaxweynaha Puntland ayaa ku kala qeyb samay, arrinta guddiga, 5 kamid ah Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay xubnaha magacaaban, halka 7 musharax ay diideen.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa ka warbixiyey diidmada mucaaradka, wuxuuna sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Faarax oo aad uga hadlay xagga dhexdhexaadnimada guddiga ayaa yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah.”

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnaha guddigaas isagoo xusay inay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan.

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin, Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha guddiga ee la diidan yahay qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni.

Isaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga uu magacaabay Saciid Deni, wuxuu 10 sano soo ahaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.