Madaxweyne Farmaajo oo sheegasho yaab leh kasoo saaray guusha dayn-cafinta

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya oo caawa guuleystay, kadib markii si buuxda Soomaaliya looga cafiyey deymihii uu caalamku ku lahaa.

Farmaajo ayaa sheegay in shaqada ugu badan ee deyn cafinta uu isagu qabtay, kadibna dowladda Xasan Sheekh ay dhameystirtay un.

Farmaajo ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay korjoogteeyaan hanaanka loo qaadanayo deymaha, isagoo ku taliyey in si taxadar leh oo ku saleysan baahiyaha hurmatineed ee dalka lagu saleeyo deyn qaadashada.

Hoos ka akhriso qoraalka uu Farmaajo soo saaray:

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliya oo maanta uu qiray Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka in la gaaray bar-dhammaadkii dayn cafinta.

Shaqaalaha iyo howl-wadeennada qaranka Soomaaliyeed dhammaantood waxaan ku bogaadinayaa dhabar-adayga ay muujiyeen muddadii uu socday barnaamijka deyn cafinta, aniga oo ku ammaanaya dhaqaale-yahannada Soomaaliyeed doorka ay ka qaateen in dalkeenna laga cafiyo deymihii caalamiga ahaa.

Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray.

Waxaa kale oo barbar socdey kordhinta dakhliga gudaha, joogtaynta iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada; dhaqan gelinta Sharciga Maamulka Maaliyadda ee dalka (PFM), hagaajinta Sharciga Iibka Qaranka iyo dib u eegista heshiisyo hore loo galay oo aan waafajinnay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadaalladaas oo aan sanadkii 2020 ku soo gaarnay marxaladda muhiimka ah ee (decision point).

Maadaama dalku uu galayo marxaladda dhammaystirka dayn cafinta, waxaa muhiim ah in si taxadar leh loo wajaho heshiiyada dayn qaadashada cusub oo ah masuuliyad qaran, ayna waajib ku tahay Baarlamaanka in ay si buuxda u kor joogteeyaan, iyadoo lagu saleynayo baahiyaha mashaariicda horumarineed ee dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa waajib ah in la xoojiyo hannaanka loo maamulayo mashaariicda horumarinta kaabeyaasha danta guud si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo u qalma daynta magacooda lagu soo qaadanayo. Hannaanka loo marayo iibka qaranka iyo heshiisyada dhaqaale waa in ay noqdaan kuwa daahfuran oo waafaqsan shuruucdeenna.

Ugu danbeyntii, dalku wuxuu wali ku jiraa marxalad ay nugul yihiin hay’adihiisa, inkastoo guulo laga gaaray dhanka horumarinta maaliyadda. Sidaas darteed, waxaa hortaalla Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dardargeliso mashaariicda horumarineed, si loogu jaangooyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.