Guddoomiyaha Bakool oo si yaab leh uga hadlay weerarkii Al-Shabaab, eedeyn culusna u jeediyay Liyuu-Boolis

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall ayaa markii u horeysay si la yaab leh uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ee Ciidamada Liyuu Booliis, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka warqabin weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Afdheer, dowlad-deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Ciidamada Liyuu Booliis in ay dileen Dad Shacab ah oo ku sugan gobolkaas, gaar ahaan deegaannada xiga dhanka xadka dowlad-deegaanka Soomaalida.

“Dadka rayidka ah ayaa la dilay, guryahooda ayey ugu tageen Ciidanka Liyuu Booliis kadib markii ay ugu tageen Guryahooda iyaga oo si gaar ah u beegsaday dadkaas oo ah rayid,” ayuu yiri.

“Dhibka ka dhacay dowlad-deegaanka waa mid dhibaato badan u geystay dadka, abaabulka weerarkaas ma aha mid ka yimid gobolka Bakool, dadka waxa ay isugu jiraan kuwa ku jira Al-Shabaab, ONLF iyo Dad kale, Ciidamada Liyuu Booliis ayaa dhibaato u geystay dad kasoo barakacay Abaarta.”

Maxamed Tall ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in mid ka dhan ah wada-shaqeynta dowlad goboleedka Koofur Galbeed, gaar ahaan maamulka Bakool iyo dowlad-deegaanka Soomaalida oo uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca Amniga, siyaasadda iyo isu-gudubka Ganacsiga.

“Dadka Deegaan degen Al-Shabaab way ku jiraan, dad wanaagsana way kamid yihiin, arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxa ay ahayd in aan wadajir u qabano oo aan iska kaashano howl-gallada ka dhanka ah, dadka la dhibaateeyay waxaa kamid ah kuwa 15 sano go’doon u galay Shabaab balse ay dhibaateeyeen Liyuu Booliis.”

“Waxa aan dowladda federaalka, Koofur Galbeed iyo dowlad-deegaanka ka rabnaa in wax laga qabto arrintaan oo laga hortago culeyska la saaray Shacabka.”

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weerartay xeryaha ciidamada Liyuu Booliska ee degmooyinka Yeed iyo Caato, taasi oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh, ayada oo dhinacyadu ay ka sheegteen guul.