Hay’adda DADSOM – National ID Authority – oo laga shubay lacag dhan $3.7 million

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) ayaa boggeeda internet-ka daaha kaga qaadday, kuna soo bandhigtay waxqabadkeeda, shuruuc, xeerar, qorshayaal iyo hanaanka ay hay’addu u dhismatay, ahna midka hagaya.

Iyadoo ay xaalado siyaasadeed jireen sanadkii tagey, ayaa haddana waxaa ka muuqda in la qabtay shaqooyin baaxad ballaaran oo la xiriira habraacyo iyo shuruuc ahaan fariisiinaya DADSOM in ay u dhismatay institution leh hanaan xooggan oo ay waajibaadkeeda ku gudan karto. Qodobkan oo ahaa qodob hortabinta koowaad u lahaa seddexda qorshe ee u degsan Hay’adda DADSOM, sida uu Caasimada Online u sheegay Maareeyaha hayadda DADSOM Mukhtaar Xuseen Maxamed, Mukhtar Qoransay.

Hay’adda DADSOM ayaa waxay sanadkii lasoo dhaafay la kulantay caqabado badań oo uga imaanayay gudaha iyo dibadda dalka, khaas ahaan hay’ado caalami ah. Caqabadahaas ayaa la xiriiray meesha laga keenayo barnaamijka ID ee lagu diiwan-gelinayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo cidda gacanta ku haynaysa, caqabadahaas oo sababay in DADSOM la saaro cunaqabateyn taageero-dhaqaale.

Si kastaba, sida uu noo sheegay Maareyeaha DADSOM, maamulka DADSOM ayaa ku adkeystay in barnaamijkaasi ku socdo sidii ay heshiiska ku galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Pakistan. Heshiiskaas oo ku qotomay in Dowladda Pakistan deeq ahaan ka caawiso Soomaaliya barnaamijyada la xiriira National ID; oo ah in Soomaaliya si gaar ah loogu dhiso, barnaamij ID, ay iyadu leedahay, maamulan karto, dalkeedana dhigan karto. Macluumaadka dadka Soomaalidana uusan gacanta u gelin dadyow kale, loona isticmaalin ujeedooyin daahsoon.

Sida aan kasoo xiganay bogga DADSOM (dadsom.gov.so), hwaxay Dowladda Pakistan 30 June 2022, u shubtay qeybtii ugu horreysay $3.7 Hay’adda NADRA Pakistan oo ah dhigga Hay’adda DADSOM. Hay’adda NADRA ayaa lacagtaas uga caawineysa Hay’adda DADSOM barnaamijyada diiwangelinta dadweynaha Soomaaliyeed.

Barnaamijyadaan ayaa Soomaaliya u fududeynaya inay hesho nidaam mideynaya ID-yada dalka oo dhan, siinaya qof walba lambar Tirsi uu gaar uleeyahay, dhalasho-ilaa-dhimasho iyo ID-kaar. Arrimahan ayaa sii fududeyn doona dardargelinta dhaqaalaha, gaar ahaan bangiyada iyo xawaaladaha oo carqalad ka haysato KYC, amniga iyo waxayna dowr weyna ka ciyaari doonaan doorashooyinka heer gobol iyo heer Federaal.

Faahfaahin intaa dheer ka dheeho bogga dadsom.gov.so