Muxuu ka dhigan yahay duullaanka Al-Shabaab ee Itooobiya? (Fallanqeyn)

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah fallan-qeeya siyaasadda iyo amaanka ee geeska Afrika ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ay kooxda Al-Shabaab ku eekeeysay xeryaha ciidamada Liyuu Booliska ee degmooyinka Yeed iyo Caato.

Weerarka ayaa waxay khasaare ba’an ku gaarsiisay kooxda Al-Shabaab ciidamada Liyuu-Booliska ee ku sugna deegaanadaas, ayada oo sheegatay inay ku dishay 87 askari oo Itoobiyaan ah.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhigan yahay mid ay Al-Shabaab ku muujinayso awoodeeda iyo in weli ay qaadi karto weeraro baaxada leh, xili ay dowladda qorsheynayso dagaal ka dhan ah.

“Waxaa laga qaadanaya in ururka ay ku jireen diyaar garow ballaaran oo dhan kasta ah, uuna kobac ku yimid awoodooda ciidan iyo tii kale ee dhaqaale. Waxay ka dhigan tahay inay fuliyeen waxay sheegi jireen ee ahaa inay si ficil ah ugu faafinaya fikirkooda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri.

“Sirtu waxay tahay 5-tii sano ee u dambeysay Nimankaan kobacooda kor ayuu u socday, waxay ka faa’iideysteen inay dhaqaale badan heleen, waxay heleen fursad runtii keenaysa in laftooda ay isku diyaarinayaan qaab dowladnimo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaan ay uga faa’iideysanayaan si ay u muujiyaan awoodooda ka hor inta ay dowladda ka dhabeyn qorshahooda ka dhanka ah, xili ay ciidamo tiro badan kusoo wajahan yihiin dalka.

“Waxaa ii muuqda in rabitaankii iyo go’aankii uu muuqdo, in ciidamadii la diyaariyay oo ay weliba jiraan waddamo faro-badan oo garab istaagi kara xukuumadda cusub, intaasba waxay u baahan tahay in loo helo dhaqaalaheeda iyo in istaraatijayad cad dajiyaan DF iyo dowlad goboleedyada.”