Muxuu Maxamed Injineer Yariisow ka sheegay kulankii loogu duceynayey aabihiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo masuuliyiintii kale ee maamulkiisa ka tirsaneed oo hadda 3-sano ay ka soo wareegtay markii lagu qarxiyey xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta lagu qabtay Mowlaca Macalin Nuur ee magaalada Muqdisho.

Dadkii maanta ka hadlay kulankaas ducada ah waxaa ka mid ahaa Maxamed Eng. Yariisow oo ah diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed wuxuu goobta ka qiray in geeridii Aabihiis kadib uu garab istaag fiican ka helay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Eng. Yariisow wuxuu sheegay in sanad kasta ay xusi doonaan geerida Aabihiis, si cadaalad ay ugu helaan, isagoo aad ugu mahad celiyey Khaliif-Cabdulqaadir Macalin Nuur oo go’aamiyey in sanad kasta la xuso shukadadii uu Aabihiis ku jiray ee dowladda Hoose lagu qarxiyey.

“Mowlacaan Macalin Nuur waa halkii uu Aabahey ku soo barbaaray, khudbadii ugu dambeysay wuxuu ka jeediyey halkaan, qadadii ugu dambeysayna halkaan ayuu ka cunay, marka in la go’aamiyo in sanad kasta mowlacaan lagu xuso geeridii Aabe iyo shuhadadii kale, si gaar ah ayey noo taabaneysaa,” ayuu yiri Maxamed Eng. Yariisow.

Maxamed oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas ku sii daray, “In sanad kasta aan xusno geerida Aabe iyo shuhadada kale, waxay naga caawineysaa inaan ka fekerno sidaan cadaalad ugu heli laheyn dadkaas, sidoo kale waxaan diyaar u nahay inaan qabano wixii wanaagsanaa ee shuhadadaas ay u qaban jireen bulshadooda.”

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa balan qaaday inta uu noolyahay inuu ku dadaali doono sidii uu kaalin uga qaadan lahaa hormarinta Soomaaliya, “Sida Aabahey u dadaali jiray ayaan u dadaali doonaa sharaf weyna way ii tahay,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo