Gudoomiyaha banka dhexe oo shaaciyey qorshaha daabacista lacagta cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagaha cusub oo DFS ay sheegtay in lasoo daabacaayo.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay horay u qorsheysay daabacaada lacagta cusub, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in la sameeyo lacag cusub.

Waxa uu sheegay in dalka uusan laheyn lacag sax ah sidaa aawgeed ay wanaagsan tahay in dalka uu helo lacag lagu aqoonsan karo.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri ‘’Dowladu wey dadaaleysaa waana muhiim in looga danbeeyo howlaha ay gacanta kula jirto’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Daabacaadda lacagta waxaa ku bixidoonta lacag dhan $41 milyan oo dollar, kharashkaas markii aan helno ayaan daabicidoonaa lacagteena’’

Bashiir Ciise Cali waxa uu intaa raaciyay “Aad iyo aad ayey u adagtahay in lacagtaan qaabab sharci darro loo daabaco. qofkii isku daya, waxaa uga bixidoona dhaqaalo baddan oo marna uusan faa’iido ka helidoonin”

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in dhaqan galinta lacagta cusub ay tahay mid horay looga wada heshiiyay isla markaana laga isticmaali doono dhammaan Gobolada dalka, sida uu yahay balanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in muddo kadib lacagaha cusub lagu soo biirin doono 20,000 iyo 50,000 shillin si ay u sahlanaato isticmaalka shillinka Soomaaliga, loogana maarmo isticmaalka $ doolarka.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo Wasiirka maaliyadda Federaalka uu  Sabtidii shir jaraa’id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan ee ay Soomaaliya yeelato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com