Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo ciidamo uu wato oo xoog ku galay madaxtooyada Cadaado

Cadaado (Caasimadda onlinr )- Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xiisad ay caawa halkaasi ka jirto, waxaana afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada ee kutaala magaaladaasi isku hor fadhiya ciidamo iska soo horjeeda.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug oo ciidamo taabacsan maalmihii lasoo dhaafay u xirneyd Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta mar uu kasoo laabtay magaalada dhuuso Mareeb loo diiday in uu galo xarunta.

Wasiirka Maaliyada Galmudug Siciid Siyaad Shirwac iyo ciidamo badan uu wato ayaa caawa xoog ku galay xarunta Madaxtooyada Cadaado, waxaana halkaasi laga dareemayaa xiisad u dhaxeysa Ciidamada Wasiirka iyo ciidamo kale oo taabacsan maamulka magaalada.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafiyeen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Galmudug, waxaana hada socda dadaalo ay wadaan waxgaradka magaalada oo kulamo la leh labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Wasiirka Maaliyada oo taageero ka heesta Madaxweyne Xaaf ayaa horey ugu diiday xarunta Madaxtooyada  in ay galaan kuna shaqeeyaan Madaxweyne kuxigeeka Galmudug iyo gudoomiyaha Baarlamanaka Galmudug oo ku sugan magaaladda Cadaado.

Waxgaadka magaalada Cadaado ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay uga hortagaan dagaal ka dhaca magaalada Cadaado, waxaana Khilaafka Madaxda Galmudug u dhaxeeya laga cabsi qabaa in uu gacan ka hadal isku badalo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda uu gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Galmudug.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah