Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia oo la magacaabay

Dikreeto Madaxweyne oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku qoran in Cabdi Salaam Cumar loo magacaabay guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somalia.

Cabdi Salaam Cumar ayaa waxa uu iminka magaalada Washington kula sugan yahay madaxweynaha Xasan Sheikh, waxaana labada nin ay halkaas kula kulmeen saraakiisha Bank Adduunka iyo ururo caalami ah.

abdisalam omarCabdi Salaam Cumar ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Boston University ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka, waxaana uu shahaada PhD ku heystaa cilmiga dhaqaalaha.

Waxa uu horey u ahaa ku xigeenka sarkaalka maaliyadda/agaasimaha xafiiska miisaaniyadda ee dowladda Washington DC.

Waxa uu sanad kasta agaasimi jiray miisaaniyad dhaqaale oo ku dhow 8 bilyan oo dollar.

Bankiga Dhexe ee Somalia, ma uusan shaqeyn in k badan 22 sano, tan iyo markii ay bur burtay Dowladda Somalia, waxaana Cabdi Salaam oo heysta khibrad 30 sano oo dhinaca maamulka dhaqaale ah sugeysa howl culus oo ay ku jiro qorsheynta habka maaliyadeed ee dalka.

Mr. Cumar ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu dib u dhisi doono islamarkaana dib usoo nooleyn doono Hya’adaha Bank ee Somalia, oo uu sheegay inay saldhig u yihiin korarka dhaqaale ee dalka.