XOG: Madaxweyne Xasan Sheikh oo carreysan + Digniino uu bixiyay iyo xilal ka qaadis badan oo soo soocta.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin kama dambees ah u jeediyay guddoomiyaasha 17-ka degmo ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo taliyaasha ka howlgala degmooyinkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii degmo ku taalla magaalada Muqdisho lagu arko isbaaro uu xilkiisa ku wayn doono guddoomiyaha iyo taliyaha degmadaasi ka arrimiya.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaad lix-dan isbaaro oo taallay Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay la qaaday, laakin meelaha qaar ayaa la sheegay in lagu arkay kooxo baro kontorool lacag baad ah uga qaata dadka iyo gaadidka dadweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka ayaa sheegay haddii isbaaro lagu arko Muqdisho ay xilalka ku wayn doonaan taliyaal iyo guddoomiyaal degmo.

Arrintaas ayaa markii ay soo baxday waxa guddoomiyaasha iyo taliyaasha degmooyinka ay soo qabqabteen dhowr qof oo la sheegay in ay dhiganayeen isbaaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa oggaatay in guddoomiyaasha iyo taliyaasha degmooyinka qayb laga siin jiray lacagaha ka soo xarooda isbaarooyinka yaalla magaalada Muqdisho.

Maxaa ka jira in madaxweyna uu xilalka ka qaadi saraakiil iyo masuuliyiin dowladda ku jira?

Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud marka uu soo laabto uu xilalka ka qaadi doono xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan, Taliyaha ciidamada Booliska Genaral Shariif Sheekhunaa Maye, Taliyaha Ciidamada Millatariga iyo Taliyaha hey’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

Waxa kaloo la sheegay in xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho la kala qaadi doono oo loo magacaabi doono labo shaqsi oo kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hadda wado qorshayaal kala duwan oo ay ku dooneyso in ay ku sameeso isbadal xagga heykalka dowlad-nimo, maadama dowladda hadda jirta ay tahay dowlad rasmi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho