Haan ay ka buuxdo sun oo ku soo caarisay xeebaha G/Mudug

Barwaaqo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo deeganka Barwaaqo ee hoostaga deegannada uu maamulo maamulka Galmudug ayaa sheegay in halkaas lagu arkay haan wayn oo ay ka buuxaan sun oo ku soo caariday xeebaha gobalka Mudug.

Dadka deeganka ayaa sheegay in haanta dhowrkii bilood ee la soo dhaafay taallay deeganka Barwaaqo, laakin hadda ay ku darsantahay in ay dilaacdo oo ay aariyeesato.

Dadka deeganka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan haanta taasoo wax yeelo u geesan karta dadka ku dhaqan deeganka Barwaaqo oo ah u badan reer Miyi.

Waxa kaloo dadka ay sheegeen in wixii xoolo ah ee  joogay laga waday si aysan wax yeelo uga soo gaarin haanta ku soo caariday deeganka Barwaaqo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo haan ay ka buuxdo Sun ku soo caarido xeebaha Soomaaliya, 21-kii sano ee la soo dhaafay ayaa xeebaha Soomaaliya waxaa ku soo caarinaayay haamo ay ka buuxaan sun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho