25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha BFS oo soo gudbiyay qorshe cajiib ah oo dalka Somalia….!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaam Jawaari ayaa xildhibaannada ka cosaday in maamus iyo sharraf la siiyo madaxda dalka soo martay si looga faa’ideesto khibradaha ay hayaan.

Jawaari ayaa tilmaamay in madaxweyne ama mas’uul kasta oo xil dalka u soo qabtay in naan la siin maamus, sharraf iyo xuquuq, waxaaana looga tagaa ayuu yiri meesha.

Jawaari ayaa sheegay dhaqankaas in uu mid soo jiray wixii ka dambeeyay burburkii dalka, oo dowlad kasta aysan ixtiraam iyo sharraf siinjirin madaxda soo martay dalka.

“Wax fiican ma ahan in madaxweyne, ra’iisal wasaare iyo xildhibaan xil dalka ka soo qabtay ixtiraam iyo maamus oo aan laga warqabin, shaley madaxweyne ayaa dalka ka tagay, maalin dhexdaas ra’iisal wasaare ayaa la badalay anniga waxaa laga yaabaa in aad mooshin iga keentaan oo sidaas aan ku baxo, marka ma jirto wax sharraf ah oo la siiinaayo mas’uuliyiintaas waana ayaan daro” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiya baarlamaanka ayaa weydiiyay xildhibaannada bal in uu soo sameeyo qorshe haddii uu madaxweynaha,ama mas’uul xil u soo qabtay dalka loo sameeyo maamus iyo sharraf lana ogaado halka uu ku dambeeyay”

Xildhibaannada ayaa u sheegay guddoomiyaha arrintaas in ay muhiim tahay, loona gudbiyo xukuumadda cusub si ay u soo diyaariso barnaamij arrimahaas looga hadlaayo.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka uu soo jeediyo in ixtiraam iyo sharraf la siiyo madaxda dalka soo martay, wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Inta badan haddii madaxda waqtigooda uu dhammaado waa ay ka tagaan dalka iyagoo la baxsanaya nafsadooda, waxaana ay magangalyo ka doontaan waddamada qurbaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News